Uncategorized

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Soo Dhaweeyey Degreetadii Madaxweyne Siilaanyo Ku Magacaabay Garsoorayaasha Cusub

Hargeysa:Jully,27,2015(SDN/QJ)-Kadib Markii uu Madaxweyne Siilaanyo maalintii shalay soo saaray Degreeto uu ku dhamaystiray Tirada Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo laga dhigay 11-garsoore sida distoorku sheegay, ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed,waxa uu aragtidiisa ka dhiibtay sida uu u arko garsoorayaashaas cusub ee lasoo kordhiyey.

falocGaryaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa qoraal uu soo saaray xalay oo wargeyska qurbejoog.com heshay nuqul ka mid ah, waxa uu tilmaamay in garsoorayaasha cusub ee la magaacabay yihiin qaar aqoon sare u leh sharciga, isla markaana uu rajaynayo inay wax weyn ka beddeli doonaan dib-u-habaynta caddaaladda, isagoo  madaxweynaha uga mahadnaqay tallaabada lagu kordhiyey tirada garsoorayaasha oo uu xusay inay yihiin tallooyin uu soo jeediyey, madaxweynuhuna ku qancay.

“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo ta Dastuurga ah waxa uu uga mahadnaqayaa madadaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland kordhinta uu ku sameeyey Garsorayaasha Maxkamadda Sare, iyada oo ka turjumaysa baahida loo qabo garsoorayaal dacwadaha dhaqaaajiya. Madaxwaynuhu waxa kale oo uu tixgaliyey tallooyinkii uu u soo jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyada oo garsorayaasha la magacaabay ay yihiin dadkii u qalmayey oo ah dad khibrad dheeraad ah u leh, kuna soo dhex jiray Garsoorka muddo dheer, isla markaana waxbarasho sharci oo sareeya leh,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Waxa kaloo uu tilmaamay in garsoorayaasha la magacaabay wax weyn ka tari doonaan sidii loo dhaqaajin lahaa dacwado muddo dheer yaalay maxkamadaha, waxaannu yidhi; “Waxaan rajaynayaa in ay wax weyn ka tari doonaan dib-u-habaynta caddaaladda iyo waliba dacwado kor u dhaafay 300 (saddex boqol oo dacwadood) oo muddo dheer maxkamadaha iska dhex yaalay, una baahan in laga garnaqo.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sidoo kale la filayaa inuu Isniinta maanta si faahfaahsan uga hadlo tallaabada madaxweyne Siilaanyo ku kordhiyey tirada garsoorayaasha Maxkamadda iyo faa’iidooyinka ay u yeelan doonaan dib-u-habaynta caddaaladda iyo ka garnaqa dacwado tiro badan oo muddo dheer yaalay maxkamadaha Somaliland.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com