Uncategorized

Ururka NEW GAAROODI Oo Ka Digay Seeraha Lagu Af-Duubayo Banka Qoolcaday

Hargeysa,10Aug,2015(QJ/SDN)-Annaga oo ah aqoonyahanka, dhallinyarada, qurbe-joogga, indheer-garadka, odayaasha, haweenka  iyo qaybaha kala geddisan ee ururka NEW GAAROODI waxa aanu ka digeynnaa seeraha sharci-darrada ah ee illaa sannadkii hore ay xukuumaddu rabtay in ay ku xidho Banka Qoolcaday oo ah degaan ay reer-guuraaga iyo xoolo-dhaqatada Somaliland si siman ugu samata-baxdo xilliyada adag ee abaaraha. Fal kasta oo lagu kacaa ma aha mid hirgelaya, ma dhici karto in awr la mariyo irbad daloolkeed. Suurtogal ma aha in la isku dul macaasho oo lacago xaaraan ah laga shubto Haayadda loogu yeedho Sanduuqa Horumarinta Somaliland “Somaliland Development Fund” oo loo soo gaabiyo SDF.

 

Dhawaanahan waxa la qaaday tallaabooyin la doonayo in lagu qaybiyo bulshada degaanka, waxaanu se leennahay “dadku waa ul iyo diirkeed, mana dhici karto in laaluush iyo lacag lagu kala kexeeyo”. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “wixii umusha u dan ah, baa ilmahana u dan ah”. Bulshada Hargeysa, Sallaxley, Hawd iyo Daad-madheed way ka midaysan yihiin in la ilaaliyo dhulka manfaca leh ee dadka ka dhexeeya. Si buuxda waxaanu u taageersannahay bayaankii ay soo saareen Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi iyo madax-dhaqameedkii ku wehelinayay shirka jaraa’id ee toddobaadkan lagu qabtay caasimadda Hargeysa.

 

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo xilkan ku helay Suldaan Wabarka duurka galayna waxa aanu u sheegaynnaa in uu seere ka dhiso Giriyaad iyo dhulkiisa. Tallaabooyinka uu qaadayaana waxa ay dhalin karaan Suldaan Wabarro kale iyo isku-dhac inaga galaafta dad maanta nool. Dawladda ka yeeli mayno inay indhaha iyo dhegahaba xidhato, waxaanu taagnay kaadh huruud (jaalle) oo dhiillo ah, waxa ku xigi casaan oo dhiig iyo dhimasho ah. Yaan la halmaamin inay dhubu-dhubuq hore dhabbanno-hays dambe leedahay.

 

Ugu dambayntii waxa aanu digniin u diraynnaa xubnaha beesha kaga jira xukuumadda taagta daran ee Garadag, waxa u fiican in ay kuraasidooda ku ekaadaan oo aanay ku soo fadallo caddaan dadka ay cad-quudheeka ku metelaan. Masuuliyiintan waxa u wanaagsan in ay weji dhigtaan, waayo waxay xil ka hayaan xukuumad dhacaysa

 

Allaa Mahad Leh

Khadar Maxamed Yaasiin

Af-hayeenka NEW GAAROODI

Hargeysa

yusufabdi9999@gmail.com