Muqdisho:Aug,10,2015(SDN/QJ)-Qaramada midoobay ayaa si diirran usoo dhaweysay tallaabada heshiiska lagaga gaadhay maamulka la doonayo in loo sameeyo Gobollada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo la doonayo in dhawaan la gudo galo dhismahooda.
Ergeyga QM ee Somalia, Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay soo dhaweynayso heshiiskii laba maalmood ka hor ka dhacay Muqdisho, isla markaana ay taageerayaa wax kasta oo tasiilaad ah oo ku baxaya dhismaha Maamulka loo dhisayo Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.
“Waxaan soo dhaweynaynaa heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho, kaasoo la doonayo in lagu dhiso maamul wadajir ah oo ay yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, waana tallaabo horay loo qaaday,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Kay.
Muqdisho ayaa Waxaa dhawaan lagu Saxeexay Hannaanka Heshiis lagu Dhisayo Maamul ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Munaasabadaas oo uu ka Qaybgalay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa Sheegay inay Gacan ka Geysanayaan mar walba Horumarka Somalia iyo qorshayaasha Dowladdu ay ku dhisayso Gobollada dalka.
“Tani waxay ka mid Tahay Qorshayaasha ay Dowladda Federaalka Somalia ku dhisayso Maamul-goboleedyada dalka, Waana Tallaabo fududeyn karta in dalku noqdo Federaal,” ayuu yidhi Danjire Nicholas Kay.
Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in Horumarinta Hay’adaha Dowladda Somalia iyo dhamaystirka Inta ka hartay dhismaha Maamullada Gobollada dalka ay Qayb ka yihiin sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd Sannadka 2016-ka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
