Uncategorized

Golaha Wakiiladda oo Dood adag ka Yeeshay Ajandaha Kalfadhigooda 28aad oo Beri la Ansixin doono & Qodobada ugu Culus ee la isku hayo DAAWO

Hargaysa 10.Aug 2015 (SDN/QJ)- Fadhigii golaha wakiilada ee maanta oo uu shir gudoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa si wayn lagaga dooday ajandaha kalfadhiga 28aad ee golaha.
Ajandaha kalfadhiga 28aad ee golaha wakiilada ayaa lagu lafaguray xeerarka la ansixidoono kalfadhigan, xeerarka kalfadhigan xildhibaanadu muhiimada saarayaan ayaa waxaa hormoda xeerka lagu soo dooranayo baarlamaanka, xeerka kufsiga iyo jinsiyadaha iyo xeerar kale.
Xildhibaanada Golaha wakiilada ayaa si wayn uga dooday ajandaha kalfadhiga 28aad ee golaha wakiilada lagu ansixindoono iyadoo si isku midana usoo dhaweeyey xeerka lagu soo dooranayo baarlamaanka oo ay muhiimad gaara saari doonaan.
Fadhigii golaha wakiilada ee lagaga doodayay ajandaha kalfadhiga 28aad ayaa xildhibaanadu waxay u balameen in ay ansixiyaan maalinta beri ah ajandaha kalfadhiga 28aad ee golaha horyaal.
https://www.youtube.com/watch?v=EN9QdkNu8pU&feature=youtu.be