|

Todobad (7) Balanqaad Oo Madaxweyne Siilaanyo Fulin Mudo Xileedkii Shanta Sano

Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne ahmed maxamed maxamud (Siilaanyo) mudadii ay ku jirtay ololaha doorashooyinka madaxtinimo, waxaa uu madaxweyne siilaanyo si cad u dhaliilay xukuumadii ka horeysey ee UDUB. Iyadoo taa bedelkeedii uu madaxweyne siilaanyo balanqaadey in uu isbedel dhinac walba ah sameyn doono hadii uu talada dalka hanto o shacabku u doortaan.

Baahiyaha qarankan iyo bulshadan ku gadaaman allah uun baa dabooli kara, waxaase jirta balanqaadyo isbedel u baahnaa shalayna madaxweyne siilaanyo khalad ugu muuqdey balanqaadeyna in uu wax ka qaban doono balse shantii sano ee xilka dhameystay madaxweynuhu aanu wax la taabto ka qaban.

Hadaba, Qormadan waxaan ku lafo guri doonaa todoba balanqaad oo madaxweyne siilaanyo ugu balanqaadey shacabka taas oo fulin ama ka gaabiyey in uu wax ka qabto.

1 Doorashada In Xilligeeda la qabto.

Madaxweyne siilaanyo waxaa in badan meel fagaare ah kaga balanqaadey in hadii uu xilka madaxweynenimo ku guuleysto doorashada xiligeeda uu ku qaban doono oo maalin aaney la dhaafin doonin. Taasi mey dhicin oo waxaynu ognahay in xukuumadda hada ku joogto muddo kordhin muran dhalisay, taas oo sababtay madaxweynaha ka codsadey Maxkamadda sarre in ay soo kala xukunto goaamo ay isku hayeen Mucaaridka oo ku saabsan mudo kordhinta.

2. Shaqo Abuurista Dhalinyaradda Iyo Ka hortagida Tahriibka.

Madaxweyne siilaanyo dhaliisha ugu badan ee xukuumadi ka horeysey huwin jiray waxaa ugu waaweynaa in dowladu shaqo abuuris u sameynin dhalinyaradda iyo ubaxa Somaliland, taasi ay kor u qaadey dhalandhoolka dhalinyarada Somaliland, Mudadii xilka madaxweyne siilaanyo runtii shaqo abuuris badan ayuu sameeyey balse aan daboolin baahidii dhalinyaradda, iyadoo taa bedelkeedii aad u sii kordheen tahriibka dhalinyaradda, taas oo keentay in xoog badan o dhalinyaro ahi ka talaabaan badaha in badan oo ka mid ahina ku geeriyoodaan.

3 . Dhisida Dowlad Kooban oo Tayo Leh:

Madaxweyne siilaanyo waxaa u balanqaadey in uu dhisi doono dowlad kooban oo tayo leh, iyadoo in badan uu ku celceliyey in aan loo baahneyn wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada tirade belay ee xukuumadihii ka horeeyey sameeyeen, taas bedelkeedii golaha xukuumadda ee hada jira waa xukuumadd sal balaadhan oo tiro badan leh, iyadoo isku shaandheyn kasta oo madaxweyne siilaanyo golihiisa wasiirada ku sameeyey tiro cusub oo wasiiro ama wasiiro ku xigeeno ah ku wanqalayey. Taasi waxay meesha ka saartay tayo laga filan karo Gole xukuumadeed oo ka dhisan wadan dhaqaalihiisu liito sida Somaliland oo kale awoodna u laheyn mushaharka wasiirada xadigaas ah.

4. Ilaalinta Midnimadda Somaliland.

Somaliland waa qaran leh xuduudo sugan oo aan xadgub laheyn, madaxweyne siilaanyo waxaa talada dalka lagu wareejiyey dal iyo dad mid ah, mudadii shanta sano aheyd maamulo aan meel ay heystaan jirin baa gudaha xuduudaha Somaliland lagaga dhawaaqay, kuwaas oo laf jab ku noqdey qaranimada Somaliland, waxayna ka mid aheyd balanqadyadii madaxweyne siilaanyo in uu isku heyn doono dal ahaan iyo dad ahaan.

5. Isku Xidhka Shirkadaha Isgaadhsiinta.

Madaxweyne siilaanyo waxaa uu balanqaadey meelo fagaare ah in si loogu gudbi kala qoqobnaanta isgaadhsiinta somaliland, in hadii kulmiye ku guuleysto talada dalka isku xidhi doono isgaadhsinta dalka hirgalin doona qaab horumarsan oo isgaadhsintu dalku leedahay, taasi ma dhicin manta isgaadhsiintii sidiibey u kala qoqobantahay una kala xidhan tahay.

6. Saxaafada Dowlada In Dhexdhexaad Noqoto.

Madaxweyne siilaanyo in badan waxaa uu ku dhaliilay dowladii daahir riyaale in awoodaha dowlada oo ay ka mid tahay saxaafaddu u adeegsadaan si aan dhexdhexaad aheyn, isagoo balanqaadey in saxaafada dowladu noqon doonto mid dhexdhexaad ah hadii talada dalka uu hanto, taasi ma dhicin oo mucaaridka manta jiraa waxay aad uga cawdaan saxafadda dowlada oo si badheedh ah ugu janjeedha xukuumadda, taas o keentay in mucaaridku ku dadaalo helida saxaafadda gudbin karta codkooda.

7. Ictiraaf Raadinta Somaliland.

Somaliland ka dib markay la soo noqotay xoriyadeedii luntay 1960, waxaa shacabka Somaliland beesha caalamka u cadeeyeen in Somaliland gooni u taagan tahay oo ictiraaf uga fadhido Beesha caalamka, madaxweyne siilanyo waxaa uu xukuumadii Daahir riyaale dusha uga saaray dhaliil cad oo ku eedeeyey in aaney waxba ka qaban raadinta ictiraafka, isagoo balanqaadey in uu faro dheeraan doono helida qarankani helo ictiraaf caalami ah, balse nasiib darro dhagaha dadkuba wey iloobeen ictiraaf la raadiyo shantii sano ee madaxweyne siilaanyo talada dalka hayey.

 

Wabilahi Tawfiq

Fouad Abdisalam

Siyaasi Madax banaan

Comments are closed