Hargaysa 28.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Tafsiir ka Bixiyey Iscasilaadii ugu Tirada badnayd ee Mar qudha ka dareeray Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa Sheegay in Madaxweyne Siilaanyo inuu Cadaalad u samayn kari waayay Xisbigiisii Kulmiye.
