|

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar oo Shaaciyey inay Fashilmeen Xulufadii Sucuudiga ee Go’doomisay Dalkiisa & Talaabo uu ku dhawaaqay

Doha 21. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arimaha Dibada Ee Dalka Qatar Md Cabdiraxman Bin Maxamed Oo Ku Sugan Caasimada Turkiga Ee Ankara Ayaa Ku Dhawaaqay  Inay Fashilmayaan Xulafada Sucuudigu Hogaamiyo Ee Cunaqabaynta Iyo Go’doominta Galiyay Dalka Qatar, Isaga Oo Xusay In Ujeedooyinkoodu Ka Hor Imanayaan Xeerarka Caalamiga Ah.

 

 

 

 

 

Mr Cabdiraxman Waxaa Uu Intaasi Ku Daray In Xukuumada Qatar Diyaar U Tahay In Shir Layeelato Madaxda Madaxda Afarta Dawladood Ee Kala Ah Sucuudiga, Baxrayn, Emaraatka Carabta, Iyo Masar, Marka Ay Ka wada Noqdaan Go’aanadii Ay Soo Saareen Iyada Oo Ay Jirto In Dibloomaasiyiin Caalamka Ka Socdaa Ay Dadaal Ugu Jiraan Sidii Xaalada Loo Dejin Lahaa Xalna Loo Gaadhi Lahaa.

 

Dhinaca Kale Mr Cabdiraxmaan Waxaa Uu Hadalkan Jeediyay Markii Uu Shir Jaraa’id La Qabtay Dhigiisa Arimaha Dibada Ee Turkiga Oo Isna Halkaasi Ka Sheegay In Qatar Tahay Dawlad Fir Fircoon Oo Ay La Garab Taagan Yihiin Hiil Iyo Hooba.

Comments are closed