|

Madaxweynaha Turkiga oo Socdaal Taariikhi ah Ku Tegi Doona Dalalkii Go’doomiyey Waddanka Qatar

Istanbul 21. July 2017 (SDN/QJ):- Xarunta Madaxtooyada Dalka Tuirkiga ayaa shaacisay in Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan uu ku talo jiro in uu booqdo Boqortooyada Sucuudiga, Kuweyt iyo Qatar inta lagu jiro 23 ilaa 24 bisha July.

Madaxweynaha Turkigu waa saaxiibka ugu dhow ee la saftay dawlada Qatar, khilaafkeeda ay kula jirto dalalka jaarkeeda ah Sucuudiga, Baxreyn iyo istagga imaaraatka carabta oo ay Soo raacdo Masar, waxana Turkigu taageersan yihiin shuruuda Qatar ee ah in ka hor wadahadal kasta oo la geli karo a dalalka jaarkeeda ahi qaadaan go’doominta ay ku soo rogeen.

Turkiga ayaa kordhiyey ciidamadooda ku sugan saldhiga ay ku leeyihiin Wadanka Qatar, iyadoo Madaxweyne Ordogan uu hore u sheegay inay qadar ku difaacayaan wax ka sta oo ay awoodaan.

Comments are closed