|

Todobaadka Beri Bilaabmaya oo Aqalka Koongarayska Maraykanku soo Gole Joojin doonaan Wiilka ugu Weyn ee Madaxweyne Trump & Eedaha loo haysto

Washington 21. July 2017 (SDN/QJ):- Gudi Wadajir Ah Oo Ka Kooban Labada Gole Ee Odayaasha Iyo Koongareeska Maraykanka Ayaa Todobaadka Beri oo Sabti ah bilaabmaya u balansan In Ay Kulan Xaqiiqo Raadin Ah La Qaataan Wiilka Ugu Wayn Ee Uu Dhalay Madaxweyne Donald Trump, Agaasimahii Olalahiisa Doorashada Madaxtiniimada Iyo Nin Uu Sodog U Yahay.

Kulankan Xaqiiqo Raadinta Ah Ayaa Ku Saabsan Farago Galinta Ruushku Ku Sameeyay Doorashadii Madaxtinimada Dalkaasi Ka Qabsoontay 2016,Kii, Iyada Oo Lagu Eedaynayo In Xogo  Ku Lidi Ah Musharaxii Hillary Clinton  Ka Heleen Saraakiil Ruush Ah Markii Ay La Kulmeen.

 

Hase Ahaatee Wiilka Uu Dhalay Madaxweyne Trump Ayaa Hore U Qirtay In Uu Kulan Kula Yeeshay Magaalada New York, Gabadh Qareen Ah Oo Ruushka U Dhalatay Inkastoo Uu Beeniyay In Kulankoodu Aanu Wax Shaqo Ah Kulahayn Ololaha Doorshadii Madaxtinimada Ee Maraykanka, Halka Labada Nin Ee Kale Ay Si Rasmi Ah U Diidanyihiin In Ay Kulan La Yeesheen Dibloomaasiyiinta Ruush Ah.

Comments are closed