Hargeysa Mar 21,2012(SDN)-Madaxa Xafiiska Manaahiijta ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C.laahi Yaasiin Diiriye ayaa Maanta ka qayb galay Munaasibad abaal marino lagu gudoonsiinayay arday loo soo gabo –gabeeyay tartan qur’aanka kariimka ah oo wax ka barata Machadka Daarul Xikma.
Waxaa kale oo xafladaasi ka hadlay maamulaha Macaahiida Daarul Xikma Sh. Mubaarik Muuse Faarax oo ka waramay taariikhda Machadkan isagoo sheegay inay macaahiidani yihiin meel lagu barbaariyo ubadka isla markaana lagu baro Xiftiga Qur’aanka Kariinka ah, Maamuluhu Waxa uu intaasi ku daray in tartankani yahay mid ay sannadkiiba mar qabtaan, isla markaana ay ku tartameen ayuu yidhi 130 arday oo wiilal iyo Gabadho isugu jira.
Maamuluhu wuxuu gabo gabadii u mahadceliyay ardaydii Tababarkan ka qayb qaadanaysay .
Madaxa Xafiiska Manaahiijta ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C.laahi Yaasiin Diiriye ayaa ku amaanay macaahida Daarul Xikma kaalinta ay kaga jiraan kobcinta waxbarashada isagoo intaas ku daray inay wasaarad ahaan soo dhawaynayaan dugsiyada lagu barto aqoonta diiniga ah.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Sh,Maxamed Sh,Cumar Dirir oo si xeel dheer u sharaxay Qiimaha ay if iyo aakhiraba inoo leedahay kasbashada Cilmiga Diiniga ah.
Gunaanadkii Munaasibadaas ayaa abaal marino lagu gudoonsiiyay 33 arday oo kaalmaha hore ka galay tartan aqooneedkan.
SDN-Hargeysa
