Uncategorized

Alle Ha u Naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland oo ku Geeriyooday Dubai

Dubai, 22, Mar 2012 (SDN)- Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi ayaa xalay ku geeriyooday Dalka Imaaraadka Carabta.

Alle ha u naxariistee Marxuumka oo muddooyinkii u dambeeyay xaalado caafimaad u joogay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka ayaa xalay u geeriyooday xanuunkii uu u tagey halkaas.

Taliye Saqadhi ayaa labadii Xukuumaddood ee ugu dambeeyay maamulka Somaliland ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

Dhamaan bahda Shabakadda Wararka ee Somalidiaspoarnews waxay tacsi u dirayaan Eheladii iyo dhamaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku.

INAA LILAAH WA ILAYHI RAAJUCUUN.

SDN, Dubai.