Uncategorized

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray ciidanka Booliska ee taliyahoodii geeriyooday

Hargeysa 22, March 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray ciidanka Booliska, kuwaasoo uu ka tacsiyadeeyay geerida taliyahoodii marxuum Maxamed Saqadhi Dubad oo xalay ku geeriyooday Dubai, UAE.

Sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo afhayeenka Madaxweynuhu soosaaray, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu geerida marxuum Saqadhi ku tilmaamay mid kaalin adag banaysay, wuxuuna dhambaalka tacsida ahi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Ammaanka JSL, gaar ahaan Ciidanka Booliska JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska MARXUUM, GENERAL MAXAMED SAQADHI DUBAD oo ku geeriyooday ABU-DABAI, 22/03/2012, isagoo general-ku in muddo ahba halkaa u  joogay Xaalad Caafimaad.

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin adag ku baneeyey ILLAAHAY-NA waxa uu  MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Amaanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com