Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo ku hadlaya magaciisa, ka Golaha deegaanka Hargeysa iyo magaca shacbiweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa, waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa qoyskii, ciidanka Booliska Somaliland iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday ALLE ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum-Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, oo maanta ku geeriyooday Dalka Imaaraadka carabta oo xaalad caafimaad loo geeyay.
Maayarka Caasimadda Hargeysa wuxuu ILAAHAY uga baryay Marxuumka inuu naxariistii jano, ka waraabiyo, qoyskii iyo shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Taliyihii ciidanka Booliska Somaliland oo ahaa Rukun weyn iyo nin waayo arag ahaa oo ka baxay qaranka Somaliland.
Marxuumku wuxuu ahaa tiir weyn oo kaalin wax ku ool ah ka geystay horumarinta ciidammadda booliska iyo sugidda ammaanka dalka.
