Dubai Mar 23,2012(SDN)-Waxa xalay allaha u naxariistee ku geeriyooday dalka Isu taga Imaraadka Carabta Madaxweynihii hore ee dawlada TFGda Md Cabdulahi Yusuf Axmed.
Marxuumka ayaa todobaadyadii u danbeeyay ku jiray cisbitaal ku yaal magaalada Dubai.
Xaalada caafimaad ee madaxweynihii hore ee TFG da ayaa si weyn looga deyrinayay maalmihii ina dhaafay.
Ehelada iyo qaraabada Madaxweynihii hore ayaan ilaa iyo haatn ka hadal halka lagu aasayo Marxuumka.
SDN-Dubai
