Hargeysa Mar 23,2012(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ka tiiran-yeysan, waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga soomaaliya ee uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Somaliya MARXUUM CABDILAAHI YUUSUF AXMED.
MARXUUMKA oo ku geeriyooday imaaraadka Carabta gaar ahaan Abu-Dubai 23/03/2012.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga soomaaliya ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdilaahi Maxamed Daahir
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
