Hargeysa, 07, April (SDN)- Dallada ururada xuquuqal Iisaanka Somaliland ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano SOHIRA ayaa cambaareysay xadhiga xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kula kacday masuuliyiintii dawlada iyo boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo ay sheegeen inay muddo maxkamad la’aan ku xidhan yihiin.
SOHIRA waxay sheegtay in qofka la xidhi karo, balse sharcigu dhigayo in qofka muddo todoba maalmood ah lagu soo cadeeyo dambiga loo xidhay, saddexda masuul ee ku eedaysan raashinkii la musuqmaasuqay iyo boqor Buur-madowna ay muddo bil ah ay maxkamad la’aan ku xidhan yihiin, taasi oo ay cambaareeyeen.
Madaxa dallada ururada xuquuqal iisaanka Somaliland Maxamed Cabdalle Cilmi oo shalay u waramay laanta afka Soomaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa yidhi “Xadhiga muddo dhaafka ah ee saddex masuul ee dawlada ka tirsanaa iyo boqor Cismaan Buur-madow waanu cambaareynaynaa”
Maxamed Cabdalle waxa kale oo uu soo qaaday “Wadanku waxa uu leeyahay shuruuc dastuurku ka mid yahay iyo kuwo ka farcamaya, qof kastana xuquuqdiisa way sugayaan oo waa lama taabtaan, qofkana waala soo eedayn karaa laakiin waxa uu xaq u leeyahay in qofka muddo 24 sacadood garsoore lagu horgeeyo oo xadhigiisa la xalaaleeyo, ugu yaraana todoba cisho gudahood eediisa la cadeeyo oo garsooraha la horgeeyo si uu weedhiisa uga yidhaahdo”ayuu yidhi waxaanu intaasi sii raaciyey oo uu sheegay inaan ilaa hadda wax maxkamad ah la horgeyn afartan qof ee ay xidhigooda cambaareeyeen “Arintaasina ma dhicin oo inta aanu ognahay lama geynin wax maxkamad ah nimankaasi la leeyahay waxaas iyo waxaas ayaa lagu haystaa, taas ayaana ah ta warwarka nagu haysa, boqor Cismaan Aw Maxamuud isagu waa nin Madax-dhaqameed ah xadhigiisuna waxa uu la xidhiidhaa arimo fikirkiisa ah, waxyaabahaas oo ah waxyaabaha shuruucda dalku muwaadinka u ilaalinayaan”
SDN, Hargeysa
