Hargeysa April 07,2012(SDN)-Munaasabad Lagu Xusayey sanad guurada 31-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururkii SNM oo ku beegnayd 6 bisha April ayaa saaka lagu qabtay Xarunta hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland ee Magaalada Hargaysa.
Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta JSL Mudane Boobe Yuusuf Ducaale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Mudane Faysal Cali Sheekh, Agaasimaha Xafiiska Samafalka madaxtooyada, Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, Madaxa xafiiska Xidhiidhka dadweynaha ee madaxtooyada Cismaan Awr-Liqe iyo Mujaahidiin ka tirsan Jamciyadda Sooyaal.
Gudoomiyaha Jamciyadda Sooyaal Xasan Cabdi Axmed oo kulankaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey xuska maalintaasi, waxana uu sheegay in Lixda April ay ku beegantay maalintii shalay ee Jimcaha sidaa darteedna munaasabadda xuskeeda dib loogu soo riixay maanta oo Sabti ah.
Gudoomiyahu waxuu sheegay in dal waliba ama umad waliba ay xaq u leedahay inay xusto taariikhdeeda, maantana la hadhsanayo midhihii ka dhashay aasaaskii ururkii SNM, ayna ahayd in in sidan ka badan loo soo xaadiro munaasabadahan noocan oo kale ah.
Agaasinka xafiiska samafalka ee Madaxtooyada Marwo aamina maxamuud Diiriye oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa uga mahadcelisay ka soo qayb galayaasha sida ay u qadarinayaan aasaaskii SNM, halka sidoo kalena ay uga mahadcelisay kaalinta ay haweenku ka qaateen halgankii SNM.
Marwo Aamina waxay ku boorisay Mujaahidiinta SNM in si kastoo cabasho u jirto hadana ay maanta ugu rajo wacan yihiin maadaama gudoomiyahoodii ugu waqtiga dheeraa uu maanta dalkan Madaxweyne ka yahay , iyagiina ay wasiiro iyo Agaasimayaal ka yihiin dawladda maanta dhisan.
SDN-Hargeysa
