Uncategorized

Xuska Maalinta Caafimaadka Dunida oo Hargeysa Maanta lagu Qabtay

Hargeysa April 07,2012(SDN)-

Xuska maalinta Caafimaadka Adduunka oo ku beegan 7 bisha April ayaa munaasabad loogu qabtay maanta xarunta wasaaradda Caafimaadka ee JSL.

Wakaaladda wararka Somaliland ee solna ayaa baahisay in munaasabadaasi oo ay ka soo qayb galeen wasiir ku xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Mudane, Cabdi Axmed Nuur (C Gurey), Gudoomiyaha ururka kalkaaliyaasha caafimaadka, marwo Foosiya Mxamed Ismaaciil, Madaxa hay’adda WHO ee Somaliland Aasiya Cismaan Axmed, dhakhaatiir iyo hawlawadeenada caafimaadka ayaa waxaa lagu cadeeyey in sanadkan halhays ama astaan looga dhigay odhaahda ((Caafimaad qabkaagu waa Cimri Dherer)).

Xuska Maalinta caafimaadka adduunka oo caalamka oo dhan ka dhacaya maanta ayaa Somaliland dhankeeda waxaa loo asteeyay qodobo lagu xanaaneynayo dadka waayeelka ah,qodobadaas oo ay ka mid yahiin:

· In si fiican guryaha loogu xanaaneeyo, dhaawacyadana looga ilaaliyo

· Waxii Cimri degdeg ku keenaya in laga fogaado sida (Qaadka, Sigaarka, xanuunada galmada iyo Khamriga.)

· Meelaha bulshadu isugu timaado in waayeelka xanaano gaar ah la siiyaa sida (cusbitaalada, Basaska iyo masaajidada.)

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com