Uncategorized

Arday Hargeysa Maanta Imtixaan loo gelayay Deeq waxbarasho u fadhiistay

Hargeysa April 07,2012(SDN)-Gudoomiyaha Gudida Imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa maanta shaaciyey inay imtixaankii kala saarista u fadhiisteen arday tiradoodu gaadhayso 243, lagana doonayo inay soo baxaan afartameeyo arday oo deeq waxbarasho ku tegi doona dalka Suudaan.

Gudoomiyaha oo xafiiskiisa ugu waramayey Saxaafada ayaa sheegay in si adag loo qaabeeyey qaadista imtixaanaadka lagu kala saarayo ardaydaas, ayna goobjoog ka yihiin macalimiin ka socota dalka Suudaan, qaybaha imtixaankuna ay u qaybsan yihiin culuunta Caafimaadka, Injineeriyada, IT, Education and Arts, Low and Shareo, Economy.

Imtixaanaadka Nuucana ayaa ardeyda reer Somaliland si weyn isugu diyaariyaan,si markaa ay uga faaiideystaan fursadaha waxbarasho ee nuucana.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com