Uncategorized

Shirweynaha 1aad ee Ururka WADANI oo ka socda Hoolka Mansoor

Hargeysa, 08, April 2012 (SDN)- Shirweynaha 1aad ee Urur Siyaasaddeedka WADANI ayaa ka socda Hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana  munaasibadan oo ah mid si balaadhan loo agaasimay ka qaybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada Gole, Salaadiin, madax ka socota axsaabta qaranka iyo dhamaan ergooyinka Gobollada Somaliland ee Ururka WADANI.

Furitaanka shirweynaha ayaa oo abaaro 10:00 subaxnimo ee saaka bilaabmay, waxa ka muuqda jawi aad u degan, isla markaana waxa ka hadlay guddida qaban-qaabada oo uu metalayay Eng. Axmed Cali Ubaxle, waxaanu si qoto dheer uga warbixiyay marxladihii ay soo martay shaqada Gudida qaban-qaabadu.

Waxa kale oo ka hadlay Cismaan Afgaab oo ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray aasaaska Ururka WADANI.

SDN, Hargeisa