Hargeysa, 08, April (SDN)- Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka WADANI ayaa ku dhawaaqay magacyada in ka badan 30 xildhibaan oo ka mid ah Goleyaasha Baarlamaanka ee Wakiillada iyo Guurtida iyo Taliyihii hore ee Ciidamada Qaranka Somaliland Gen. Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo si rasmi ah ugu biiray Urur Siyaasaddeedka WADANI.
Furitaanka Shirweynihii 1aad ee Ururka WADANI oo saaka ka furmay Hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa waxa si qoto dheer uga warramay himilooyinka, hanaanka, hiigsiga iyo hadafka uu u taagan yahay ururkaas ka warramay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa kale, oo uu  Guddoomiyuhu yeedhiyay magacyada 30 Xildhibaan oo ku biiray Ururka WADANI, isagoo sheegay in Taliyihii hore ee Ciidamada Qaranka Somaliland Maxamed Cabdilaahi Xasan (Jidhif) oo hore uga tirsanaa xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.
Xildhibaannadan ku biiray Ururka WADANI ayaa dhamaantood ka soo kala jeeda axsaabta kala duwan ee dalka.
SDN, Hargeisa
Said M. Askar
