Uncategorized

Tafsiirka Quraanka Kariim oo maanta lagu soo afmeeray Masjidka 26ka Juun

Hargeysa April 08,2012(SDN)-Tafsiirka  30ka j is  ee quraanka  kariimka ah  oo ka socday  masaajidka  26ka  june ee  caasimadda hargeisa   ayaa maanta   lasoo gabagabeeyey.

Munaasibaddan oo  ahayd mid l agu soo khatimayey  barashada  tafisiirka  30ka  jis  ee quraanka  kariimka , ayaa wax aka hadlay  agaasimaha  fatwada iyo shuruucda  islaamka  sheikh axmed  dhimbiil,     ayaa ka waramay  sida  ay  muhiim u tahay  in barashada  tafiiska  quraanku,  agaasimaha  oo ka hadlaayey  sida  dardaarankii rasuulka “csw”  uu ahaa  waxa  uu sheegay in waajib  ay  inagu tahay  barashada  quraanka  kariimka   akhriskiisa iyo tafsiirkiisuba, 

Muftiga  sheikh  maxamuud  suufi  muxumed  oo ka hadalay  muddadii  saddexda sanno  iyo  badhka ahayd  ee  barashada  tafsiirka  quraanku socday  ay ahayd  mid  qof kasta oo ku xidhnaa  uu ka  faa’iiday  duruus  naftiisa  iyo  ta dadka  islaamka ahba  uu ku anfacayo,  qofkastana  looga  baahan yahay inta uu noolyahay  in fariimaha samaawiga  ee  quraanku  xambaarsan yahay  uu ummadda  u gudbiyo.

Waxa sidoo kale, I yaguna  munaasibadda  khtinka tafsiirka  quraanka  ka hadlay  culimo  ay  ka mid yihiin sheikh almis sheikh  yaxye  iyo sheikh c/raxmaan  sheikh  faarax  oo sheegay  barashada  diinta  islaamka  oo uu  ktiaabka  quraanka  kariimku yahay  man-hadka  aadamiga  ugu iftiimiyey  barashadeeda,  waxaana  ay  ummaddd ugu baaqeen  in ay  ka faa’idaystaan  waqtiga  ah inta  ay  nool yihiin.

Gebogebadii  muftiga  tafisiirka  quraanka  sheikh  maxamuud  suufi  muxumed  waxa uu sheegay in  markii 3aad  uu ka bilaabi doono  bilk a dib masaajidka 26 june.

SDN-Hargeysa