Hargeysa April 08,2012(SDN)-Tafsiirka 30ka j is ee quraanka kariimka ah oo ka socday masaajidka 26ka june ee caasimadda hargeisa ayaa maanta lasoo gabagabeeyey.
Munaasibaddan oo ahayd mid l agu soo khatimayey barashada tafisiirka 30ka jis ee quraanka kariimka , ayaa wax aka hadlay agaasimaha fatwada iyo shuruucda islaamka sheikh axmed dhimbiil, ayaa ka waramay sida ay muhiim u tahay in barashada tafiiska quraanku, agaasimaha oo ka hadlaayey sida dardaarankii rasuulka “csw” uu ahaa waxa uu sheegay in waajib ay inagu tahay barashada quraanka kariimka akhriskiisa iyo tafsiirkiisuba,
Muftiga sheikh maxamuud suufi muxumed oo ka hadalay muddadii saddexda sanno iyo badhka ahayd ee barashada tafsiirka quraanku socday ay ahayd mid qof kasta oo ku xidhnaa uu ka faa’iiday duruus naftiisa iyo ta dadka islaamka ahba uu ku anfacayo, qofkastana looga baahan yahay inta uu noolyahay in fariimaha samaawiga ee quraanku xambaarsan yahay uu ummadda u gudbiyo.
Waxa sidoo kale, I yaguna munaasibadda khtinka tafsiirka quraanka ka hadlay culimo ay ka mid yihiin sheikh almis sheikh yaxye iyo sheikh c/raxmaan sheikh faarax oo sheegay barashada diinta islaamka oo uu ktiaabka quraanka kariimku yahay man-hadka aadamiga ugu iftiimiyey barashadeeda, waxaana ay ummaddd ugu baaqeen in ay ka faa’idaystaan waqtiga ah inta ay nool yihiin.
Gebogebadii muftiga tafisiirka quraanka sheikh maxamuud suufi muxumed waxa uu sheegay in markii 3aad uu ka bilaabi doono bilk a dib masaajidka 26 june.
SDN-Hargeysa
