Uncategorized

Malaawi oo Haweeney loo dhaariyay Xilka Madaxweynenimo

Malawi April 08,2012(SDN)-Haweenaydii madaxweyne ku xigeenka ka ahayd Dalka malaawi Juween Banda ayaa  Loo dhaariyey  xilka madaxweynanimada dalkaasi ka dib markii uu geeriyooday Madaxweynihii dalkaasi Binguwa Mosariika.

Dalka Maraykanka ayaa  Ku bogaadiyey dalka Malaawi dhaarinta  loo dhaariyey Haweenayda  Madaxweyne ku xigeenka kahayd Dalkaasi  Juween Banda, waxaanay waashington  talaabadan ku tilmaamtay inay tahay  talaabo ka  tarjumaysa  ku dhaqanka hanaanka dastuuriga ah  iyo demoqraadiyada ee dalka Maali.

Af-hayeenka aqalka cad ee dalka maraykanka Looga arimiyo ayaa  waxa uu sheegay in dalkiisu  uu shacabka reer malaawi  ka tracsiyeynayo geerida madaxweynahoodii ku timi, isla markaasina  ay ku taageerayaan  hanaanka  dastuuriga ah ee ay isbedelka  ay sameeyeen  ay u mareen.

Waxaanuu af-hayeenku intaa raaciyey  in dalka maraykanku  kala  qayb qaadanayo, lana wadaagayo shacabka  dalka Maali mudada  ay baroor  diiqda  madaxweynahoodii dhintay  ay ku jiraan.

SDN-Malawi

contact@somalidiasporanews.com