Uncategorized

Museveni:Hataabanina Haweenka Soomaaliyeed

Kampala April 09,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Ugaandha ayaa dhawaan mar uu la hadlayay ciidamo dhawaan u safraya Soomaaliya waxa uu uga digay in ay Dumarka Soomaaliyeed Haweystaan.

“Xidhiidh isdhexgala oo aad layeelataan Haweenka Soomaaliyeed waxa uu khatar gelinayaa hawlgalada”ayuu yidhi Museveni.

Madaxweynaha Ugaandha waxa uu ku celceliyay digniin ku wejahan in ciidamadu gogol dhaaf sameeyaan sida uu hadalka u yidhi.

Ciidamada Ugaandha ayaa mar ay dhamaadkii sagaashamaadka tegeen dalka Congo waxa ay ka geysteen falal kufsi ah oo fadeexad weyni ka dhalatay.

Ilaa iyo haatan waxa la shaaciyay uun in ay Haweeney Soomaali ah ilmo yar u dhashay mid ka mida askarta AMISOM.

Hadalka Yuweri Museveni ayaa sawir ka bixinaya halka iyo heerka hoose ee mujtamica Soomaaliyeed uu gaadhay inta ay iyaga uun isu muuqdeen.

SDN-Kambala

contact@somalidiasporanews.com