illaahay aya mahad leh
akhriste marka hore salan diiran ka dib shabakada calamiga ah ayaan dhiiri galin uso jeedinaya hadii aan u daadago dulucda faaladani ay xanbaarsantahay.
xaalada wadanku ku jiro wakhti xaadirkan siyaasada arimaha gudaha iyo ta dibada waxaa ka muuqda jileec iyo dabacsanaan baahsan oo dhan walba leh taaso loo sababaynayo go’doonka ay dawladu is galisay ee ay isku go’domisay goob kaliya taaso ay ka maqantahay wada tashigi bulsho waynta somaliland ee leh siyaasiyiin, aqoonyahano, dhalinyaro, iyo culimo aw diinba runtii intaa midna wax laga waydiiyo xaaladaha la soo darisa wadanka ma muuqato.
caalamka aynu ku noolahay waxaa arin walba lagaga gudbaa tashi dhex mara xukuumada iyo bulshowaynta kala gadisan iyadoo ay iska kaashadaan wax walba ha noqoto dhan fikir , awood, iyo aduunba.
xukuumada talada haysa waxay ku caan baxday inay qarsato arin walba oo la soo darisa wadanka iyo reer somaliland oo kaligeed ay ka gaadho go’aan jilicsan oo aan sal aw ku fadhiisto lahayn.
hadaynu tusaale u soo qaadano arinka wada hadalka reer somaliland iyo somalia waxaa weeye qadiyad aan gaar u ahayn xukuumada somaliland oo kaliya waa arin baahsan waa arin saamayn ku yeelan kara shakhsi kasta oo ka soo jeeda wadanka somaliland ma haboona in ay si fudud xukuumadu uga gaadho go’aan aan loo dhamayn oo aan laga wada tashan dadka matali doona somaliland wa inay noqdaan
rag siyaasada somaliyeed aqoon dheeraad ah u leh rag aqoontooda iyo kartidoodu aad u sarayso
rag iib gayn kara qadiyada somaliland rag aqoonsi ka keeni kara koonfur somalia rag khibrad dheeri ah u leh guud ahaan siyaasada geeska africa.
shanta wasiir ee aw u magacaabay madaxwayne silanyo inay miiska la fadhiistaan wadanka somalia may ahayn inuu ka hor dhaco oo ay ku dagdago xukuumada ku meel gaadhka ah inuu ka qiyaas qaato hadba miisanka ay leeyihiin xulka aw so xulo shariif ayay ahayd se hadiiba aw ku horeeyay waxay ahayd inuu soo xulo siyaasiyin caan ah se ilama aha ragaan arkay inay guul ka keeni doonan arinka loo igmaday.
salfudaydka silanyona waxaa aw cadayn u yahay inuu dan gaar ah ka leeyahay ama aw si wayn u xiisaynayo wada hadal dhex mara somaliland iyo somalia sababtana waynu u wada joogi waxba ka hor dhici mayno.
mucaaridka xukuumada cusub oo hadba sii awoodaysanaya siina kordhaaya sababo badan awgood
waxaynu u wada joognay qaylada ka soo yeedhay jabhadii wadanka xoraysay ee SNM somali national movement kuwaas oo si baaxad leh uga soo hor jeestay geedi socodka siyaasadeed ee xukuumada cusub o markay mucaaridka ahayd ku hadaaqaysay wadankaanu xoraynay iyo snm ayaanu nahay mantana dhabarka u jeedisay.
mujaahidiintii ugu culculusayd ee somaliland dhawwaqa ka soo yeedhay aad ayuu u dheera waxa ka mid aha mujaahid dhaga wayne oo si buuxda uga soo horjeestay kuna eedeeyay xukuumada somaliland inay ka leexatay xidkii ay isku ogaayeen mujaahidiinta somaliland waxaa kale oo ka mid aha xildhibaan cabdirahmaan dheere oo isaguna si la mid ah eedaymo culus u soo jeediyay madaxwaynaha iyo wasiirkiisa gaarka ah ee xirsi.
dawlada cusub oo runtii faro galin aan dahsoonayn ku haysa urur siyaasadeedyada u tartamaya inay ku soo biiraan asxaabta qaranka kuwaas oo ay ku haysto faro galin aan yarayn taas oo ay doonayso xukuumadu inay soo saarto qaar u calaamadsan waxaa fiican inay masuuliyada lo igmaday ay si wanaagsan oo cadaalad ah uga soo baxdo oo ay joojiso hiilka ay ururada u kala hiilinayan.
masuuliyiinta u xidhan xukuumada ee lagu eedeeyay musuqmaasuqa xaq uma laha inuu qof muwaadin ah oo waliba sharaf iyo karaamo ku leh umada dhexdooda oo masuul ah in sharaftiisa lagu tunto hadii wax loo haysto oo danbi lo haysto in maxkabad sharciga waaafaqsan la hor keeno ayay ahayd oo lagu cadeeyo danbiga ka dib la xukumo hadii kale oo aan cadayn loo hayna waxaa haboon in la iska soo daayo o xoriyadooda dib loogu so celiyo ma aha jeel uun ha ku jiro xaqna uma laha dawladu xadhig noocaas oo kale ah waana wixii laga soo dagaalamay cadaalad daradu waxaan ku talin laha wa la wada ogyay dadka danbiga ka danbeeyay se afka ayaa laga duwaya in aan laga duwin oo runta lo sheego oo sharciga la hor keeno weeye.
dawlada silanyo waxay qalad wayn ku leedahay xadhiga salaadiinta u xidhan ee jeelka ku jira mudo dheer dhaqan umaynaan lahayn suldaan bilaa sabab xukuumada ugu xidhnaada suldaan mana gayo xadhig sababta aw u xidhanyay buur madaw waa in la ogaado oo loo saaro gudi arinkaas guntiisa iyo gunaanadkiisa soo ogaata.
hadaan wax yar ka yidhaahdo urur siyaasadeedka haatan hawshodu somaliland ka socoto mid ayaa haboon in la iga jaahil saaro xisbul muxaafikii ma wadani ayaa noqday xisbul muxaafid runtii jawaabtu wa haa ururka wadani caqli gal ma aha misaanka aw la soo kala baxay iyo siyaasada dhamayska tiran ee aw ku dhisanyay waa urur dhamays tiran oo hantiyay khasnadii dawlada kuna darsadaymadaxdii qaranka iyo siyaasiyiinti xusbiga kulmiye riixi jiray marka kumiye iyo muuse biixi waxaa ay garan waayeen qaabki wax lo mucaaridi laha o muxaafid ayay is moodayan mana aha muxaafid sida muuqata.
halkaas ayaan faaladan gaaban ku soo koobaya hadii aw qoraalkani damqay dad gaar ah waxaan ka codsanaya inay raali iga ahaadan dhaliiisha oo la sheeega waa toosin uun.
allaah ayaa mahad leh
yahye askar
yaxyem@hotmail.com
