Hargeysa April 09,2012(SDN)-Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaarada arimaha Gudaha Mud, Cabdillahi Abokor Osmaan ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey Tasliyihii hore ee Laanta Socdaal Somailand Maxamed Cismaan Caali iyo Taliyaha Cusub ee Laanta Socdaalka Maxamed Cali Yuusuf.
Taliyihii hore ee Laanta Sovcdaalka S/land Masxamed cismaan Caalin, oo la hadlay munaasibada xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Laanta socdaalka S/land ayaa ka war-bixiyey muddadii uu xilka hayey wax-yaabihii u qabsoomay oo uu xusay in dhammaan ay ka shaqaysiiyeren xafiisyadii Laanta socdaal ee Gobolada dalka, Marinada laga soo galo dalkana ay ka sameeyeen Xafisyada socdaalka laguna qalabeeyey is-gaadhsin casriya,oo lagu hubiyo dadka socotada ah ee dalka soo gelaya.Waxa kale oo uu taliyihii hore uu sheegay, In ay ciidanka laanta socdaalka la siiyey tababar iyo dirayskoodiiba.
Taliyaha cusub ee Laanta socdaalka S/Land Maxamed Cali Yuusuf oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku dedaali doono in uu gaadhsiiyo Laantan Socdaalka heer Caalamiya, waxaanuu sheegay in taliyihii hore uu soo gaadhsiiyey heer wanaagsan isna uu halkaasi ka sii ambaqaadi doono.
Gebagebadii Xafladaasi xil-wareejinta waxa halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arimaha gudaha Mud,Cabdillahi abokor Cismaan,waxaanuu ugu horayn halkaasi uga mahad naqay Taliyihii hore ee Laanta socdaalka, kaasi oo uu sheegay in uu wax badan ka qabtay Laanta socdaalka horumarinteeda. Waxaanuu taliyaha cusub u rajeeyay inuu ilaahay isna xilka loo dhiibay ku asturo.
Munaasibada Xil-wareejinta waxa Goob joog la ahaa, Taliyaha Ciidanka Booliska S/Land Cabdillahi Fadal Iimaan,Taliye xigeenka Ciidanka sluubta Xasan Cali dheere,Taliye xigeenka laanta socdaalka Maxamed saleebaan xaaji xasan.iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta Hay’adda I.O. M.
SDN-Hargeysa
