Istanbul Astanbul April 09,2012(SDN)-Ergayga Qaramada midoobay iyo Jaamacada carabta ugu qaabilsan dalka Siiriya Koofi anan, ayaa lagu wadaa inuu Salaasada tago xeryaha qaxoontiga ka soo barakacay dalka siiriya eek u yaala xuduuda Siiriya la wadaagto dalka Turkiga, sidaasina waxa sheegay warar dhinaca diblumaasiyada dalka turkiga ah.
Socdaalka uu Mr, Koofi Anan ku tagayo xeryahaasi qaxoontiga siiriya ayaa waxa ay qaadan doontaa dhowr saacadood, isaga oo ka dibna uga sii gudbi doono dhinaca dalka Iiraan oo uu tegi doono maalinta Arbacada ah.
Mr, Koofi Anan, Ergayga Qaramada midoobay iyo Jaamacada carabta , ayaa waxa uu ugu baaqay xukuumadda dalka siiriya iyo xoogaga mucaaridka ah ee hubaysan in ay joojiyaan dagaalka ay wadaan laga bilaabo maalinta khamiista ah eel aba iyo tobanka bishan april ee aynu ku jiro.
Koofi Anan waxa uu sheegay in uu si joogto ah ula xidhiidho xukuumada siiriya iyo dalalka kale ee iyagu kaalinta muhiimka ah ka qaadan kara xal ka gaadhista xaalada ka taagan siiriya.una soo jeediyo sidii loo joojin lahaa dhiiga ku daadanaya dalka siiriya, loona bilaabi lahaa wada hadalo ay isugu yimaadaan dhinac-yada is-hayaa.
SDN-Istanbul
