Uncategorized

Taliyiha Cusub ee Socdaalka Somaliland oo maanta xilka la wareegay

Hargeysa April 09,2012(SDN)-Wasiir ku  xigeenka Amniga ee wasaarada arimaha Gudaha  Mud, Cabdillahi Abokor Osmaan ayaa maanta  xilkii u kala wareejiyey Tasliyihii hore ee Laanta Socdaal Somailand  Maxamed Cismaan Caali  iyo Taliyaha Cusub ee Laanta Socdaalka Maxamed Cali Yuusuf.

Taliyihii hore ee Laanta Sovcdaalka S/land  Masxamed cismaan Caalin, oo la hadlay munaasibada xil wareejinta  oo ka dhacday xarunta  Laanta socdaalka S/land  ayaa ka war-bixiyey muddadii uu xilka hayey  wax-yaabihii u qabsoomay  oo uu xusay in dhammaan ay ka shaqaysiiyeren xafiisyadii Laanta socdaal ee Gobolada dalka,  Marinada  laga soo galo dalkana ay ka sameeyeen  Xafisyada socdaalka  laguna qalabeeyey is-gaadhsin  casriya,oo lagu hubiyo dadka socotada ah ee dalka soo gelaya.Waxa kale oo uu taliyihii hore uu sheegay, In  ay ciidanka laanta socdaalka  la siiyey tababar  iyo dirayskoodiiba.

Taliyaha cusub ee Laanta socdaalka S/Land Maxamed Cali Yuusuf oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa  sheegay in uu   ku dedaali doono in uu  gaadhsiiyo  Laantan Socdaalka  heer Caalamiya, waxaanuu  sheegay in taliyihii hore uu soo gaadhsiiyey  heer wanaagsan isna uu halkaasi ka sii ambaqaadi doono.

Gebagebadii Xafladaasi xil-wareejinta  waxa halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka  amniga ee wasaarada arimaha gudaha Mud,Cabdillahi abokor Cismaan,waxaanuu ugu horayn halkaasi uga mahad naqay Taliyihii hore ee Laanta socdaalka, kaasi oo uu sheegay in uu wax badan ka qabtay Laanta socdaalka horumarinteeda. Waxaanuu taliyaha cusub u rajeeyay inuu ilaahay isna xilka  loo dhiibay ku asturo.

Munaasibada Xil-wareejinta waxa Goob joog  la ahaa, Taliyaha Ciidanka Booliska S/Land Cabdillahi Fadal Iimaan,Taliye xigeenka Ciidanka sluubta Xasan Cali dheere,Taliye xigeenka laanta socdaalka Maxamed  saleebaan xaaji xasan.iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta  Hay’adda I.O. M.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com