Hargeysa April 09,2012(SDN)-Agaasimaha waaxda idaacadda wasaarada warfaafinta Siciid Aadan Cige ayaa maanta Tababar ku saabsan xalinta khilaafaadka uga furay Huteel Cali Jirde ee Magaalada Hargeysa afartan xubnood ka kala socday ururada Bulshada Rayidka ah ,xuquuqul in saanka, Booliska iyo ururada dhalinyada ah.
Tababarkan oo socon doona muddo afar maal-mood ah waxa fulinaysa Hay’adda HPA , hay’adaasi ooh ore loo odhan jiray Health Unlemited, waxaana ugu horayn halkaasi ka hadashay madaxa hay’adda HPA Marwo shugri xariir ismaaciil, waxaanay sheegtay in tababarkani uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalka lagu qabto,kaasi oo lagu qaadan doono ayay tidhi duruus wax ku ool ah oo ka qayb galayaasha iyo bulshada qaybaheeda bkaleba faa’iido u yeelanaya.
Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadashay Marwo Luul aadan Madaxa xafiiska Lamaanaha ee Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada, waxaanay ka warantay tacadiyada ka dhanka ah lamaanaha inay yihiin qaar soo badanaya.waxaanay u soo jeedisay ka qayb galayaasha inay duruusta ay halkan ku qaataan ay ku dabaqaan howl maal-meedkooda.
Agaasimaha Idaacada Siciid aadan Cige oo Si rasmiya u furmay tababarkan waxa uu hay’adda tababarkan soo abaabushay uga mahad-naqay tababarkan oo uu xusay inuu yahay mid fdaa’iido u leh ka qayb galatyaasha iyo Guud ahaanba bulshada. Waxaanuu ka qayb galayaasha kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan duruusta ay tababarkan ku qaadan doonaan.
SDN-Hargeysa
