Uncategorized

Agaasimaha Iddaacada Radio Hargeysa oo tababar u furay xubno ka tirsan Bulshada Rayidka,Booliska iyo Ururada Dhalinta

Hargeysa April 09,2012(SDN)-Agaasimaha waaxda idaacadda wasaarada warfaafinta Siciid Aadan Cige ayaa maanta Tababar ku saabsan xalinta khilaafaadka  uga  furay  Huteel Cali Jirde ee Magaalada Hargeysa  afartan xubnood ka kala socday ururada Bulshada Rayidka ah ,xuquuqul in saanka, Booliska  iyo ururada dhalinyada ah.

Tababarkan oo socon doona muddo afar maal-mood ah waxa  fulinaysa Hay’adda  HPA ,  hay’adaasi ooh ore loo odhan jiray  Health  Unlemited, waxaana  ugu horayn halkaasi ka hadashay madaxa hay’adda HPA Marwo shugri xariir ismaaciil,  waxaanay sheegtay in tababarkani uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalka lagu qabto,kaasi oo lagu  qaadan doono ayay tidhi duruus wax ku ool ah  oo ka qayb galayaasha iyo bulshada qaybaheeda bkaleba  faa’iido u yeelanaya.

Waxa kale   oo iyana halkaasi ka hadashay Marwo Luul aadan Madaxa xafiiska Lamaanaha ee Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada, waxaanay ka warantay tacadiyada ka dhanka ah lamaanaha inay yihiin qaar soo badanaya.waxaanay u soo jeedisay ka qayb galayaasha inay duruusta ay halkan ku qaataan ay ku dabaqaan  howl maal-meedkooda.

Agaasimaha Idaacada Siciid aadan Cige oo  Si rasmiya u furmay tababarkan  waxa uu  hay’adda tababarkan soo abaabushay uga mahad-naqay  tababarkan oo uu xusay inuu yahay mid fdaa’iido u leh ka qayb galatyaasha iyo Guud ahaanba bulshada. Waxaanuu ka qayb galayaasha kula dardaarmay inay  ka faa’iidaystaan duruusta ay tababarkan ku qaadan doonaan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com