Uncategorized

Ciidamada Badda ee dalka Denmark oo Hawlgal ay qaadeen ku soo furtay La heysteyaal,Burcad Soomaali ahna qabqabtay

Copenhagen April 13,2012(SDN)-Ciidamada Badda ee dalka Denmark ee ka hawlgala Baddaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen markab ay afduubeen Burcad-badeed Soomaali ah oo heystay 16 shaqaale ah.

“Markabka dagaalka ee Absalon ayaa joojiyay Markab kuwa Burcadu u isticmaasho hawlgaladooda,16 burcad ah oo la socday ayaa la qabtay,12 la-heyteyaal ah oo ka soo kala jeeda Pakistaan iyoIran ayaa laga furtay burcada”ayaa lagu yidhi war ka soo baxay ciidamada.

Cidi kumay waxyeeloobin hawlgalka sida lagu sheegay qoraalka ciidamadu soo saareen.

Shaqaalaha ayaa lagu heystay markab ay ku Kaluumeysanayeen mudo dheer,si markaa Burcadu ay uga duusho.

Shaqaalaha la soo furtay ayaa ku marqaati furay ragii la qabtay in ay ahaayeen Burcad badeed.

SDN-Copenhagen

contact@somalidiasporanews.com