Nairobi April 13,2012(SDN)-Dawlada Kenya ayaa wadahadal kula jirta dawlada Itoobiya si ay magaalada Kismayo ay uga saari lahaayeen kooxda Al Shabaab ee ciidamada Ladaa dalba dagaalka kula jira.
Sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u sheegeen Somalidiasporanews dawlada Kenya ayaa hore uga codsatay ciidamada caalemiga ah ee ka hawlgala baddaha dalka Soomaaliya in ay gebi ahaanba xanibaan doomaha ka taga dekedda Kismaanyo.
Kenya ayaa dooneysa in madaxda Al Shabaab ee ku sugan Kismayo in aaney dhanka badda u baxsan kolka magaaladaa la weeraro.
Kenya ayaa sidoo kale ciidamada reer Yurub ka doonaya in ay cidhibtiro Burcad badeeda Soomaalida.
Si kastaba ha ahaatee kooxda AL Shabaab ayaa u muuqda in dhan walba laga soo weeraray oo dhulkii ay gacanta ku hayeena intiisa badan lagala wareegay.
SDN-Nairobi
