Uncategorized

Burcad-badeeda Soomaalida oo hub casri ah ka soo iibsada Suuqa Madow

Nairobi April 13,2012(SDN)-Burcad badeeda Soomaalida ayaa la sheegay in ay hub casri ah oo nuucyo kala duwan leh ay ka soo iibsadaan suuqyada Madaw ee Africa.

Hubkan oo isugu jira miinooyinka qarxa ee Maaraakiibta lagu curyaamiyo iyo gantaalada garabka laga tuuro ayaa waxa laga keenaa dalka Liibya.

Ka dib dilkii madaxweyne Qadaafi waxa si weyn looga ganacsadaa hub casri ah oo uu dalka Liibiya lahaa,sidaa waxa sheegtay Judith van der Merwe oo ah xeel dheere ka hawlgasha Xarunta Africa ee daraasadaha iyo baaritaanada Argegixisada.

Haweeneydan ayaa qabta in hubkan oo gala gacmaha Burcada ay keeni karto in ay adkaato in lala dagaalamo Burcada.

Iminka Burcada ayaa isdhiiba kolka a is wejahaan ciidamada ka hawlgala badaha Soomalida.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com