Uncategorized

Wareysi:Dr. Axmed Weli Daahir oo madax ka ah qaybta dhowaan cusbatalka guud ee Hargeysa lagu soo kordhiyay ee Sifaynta Kelyaha(DHEGEYSO)

Hargeysa 06, May 2012 (Qurbejoog.com)- Dr. Axmed Weli Daahir oo madax ka ah qaybta dhowaan cusbatalka guud ee Hargeysa lagu soo kordhiyay ee Sifaynta Kelyaha, ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegga mishiinadaas oo dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay ee April 2012 si rasmi ah loo furay.

Dr. Axmed oo waraysi gaar ah siiyay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa uu sheegay in aanu adeeggani sii shaqayn karin haddii aanay dadweynaha reer Somaliland taageero dhaqaale ka geysanin, si loo daaweeyo dadka qaba xanuunkada Kelyaha ama kuwa ay Kelyuhu shaqayn waayaan, wuxuuna baaq u jeediyay ganacsatada iyo jaaliyaddaha Qurbejoogta ah ee reer Somaliland iyo kuwa Soomaaliyeed intaba.

Waxa uu sheegay in adeeggani dadka bukaanka ah ka furan doono inay dibadda u tagaan daawaynta Mishiinka Kelyaha (Hemodialysis machines), wuxuuna xusay in ilaa hadda ay isdiiwaangeliyeen ilaa 200 boqol oo qof oo meelo kala duwan kala soo xidhiidhay.

Halkan ka dhegayso waraysiga oo dhamaystiran

[mp3player config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/draxmed.MP3]

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com