Uncategorized

Madaar laga hirgeliyay Jigjiga iyo magaciisa oo loo bixiyay Garaad Wiil-waal Airport

Jigjiga, 06, May 2012 (SDN)- Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa laga dhisay  madaarkii labaad ee Dalka Itoobiya Maadaama oo Magaalada Jigjiga loo qaatay in ay noqoto Dekada qalalan ee bariga Itoobiya. Sidoo kale, waxaa laga wadaa dhismaha Max-jarka Xoolaha oo leh awoodda ugu balaadhan ee max-jarada ka jira Africa. Sidaa awgeed waxa ay xukuumada DDSI gaar ahaan xafiiska Maamulka Magaalada jigjiga lagu amray in uu diyaariyo Boodhkii (Tabeel) oo aad u qurux badan.

Sidoo kale waxay xukuumadu ay qurbe-joogta u dhalatay Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo aad u sugayay arintan inay sidaas ula socdaan oo ay muujiyaan taageeradooda ku saabsan arintaas magaca Garaadka oo muhiim ah. Sidaas darteed Madaxweynaha DDSI iyo Xafiiska Madaxtooyadu wuxuu ku tallo bixiyay inay muhiim tahay in loo bixiyo midka mid ah dadka caalamka magaca ku leh sida Garaadkii Caanka ahaa ee Magaca Fiican ku lahaa Dalka Itoobiya Guud ahaan, Gaar ahaan Deegaanka Soomaalida ninkaas oo la odhihi jiray GARAAD WIIL-WAAL.  Sidaa Darteed waxay xukuumadu ay warqad u qortay Xafiiska Duulimaaddada ee Dalka Itoobiya in loo aqoonsado GARAAD WIIL-WAAL INTERNATIONAL AIRPORT.

SDN, Jigjiga