Uncategorized

Wasiirka Cadaalada Somaliland oo ciidamada Amniga u furay Siminaar u furay

Hargeysa May 06,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo Garsoorka ee JSL Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta Hotel Imperial ee Magaalada Hargaysa tababar ku saabsan ilaalinta caruurta sharciga khilaafta iyo sidii loola dhaqmi lahaa uga furay 30 xubnood oo ka kala tirsan Ciidamada Booliska iyo Asluubta.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid ayaa kulankaas waxa uu ka sheegay in ciidamada Booliska iyo asluubtu u wada xilsaaran yihiin ilaalinta shuruucda dalka iyo sida loola macaamilayo dembiilayaasha, sidaas darteedna waxa loo baahan yahay buu yidhi Mudane caydiid in maanta daraasad laga sameeyo sida loola macaamilayo caruurta ay suurogalka tahay inay dembiyo gaystaan.

Wasiirku waxuu xusay inuu jiro xeer qaabilsan nidaamka garsoorka caruurta oo sanadkii 2007 dhaqangalay kaasoo loo yaqaano xeer No 36, waajibaadka inaga saaranina yahay sidii loo hirgelin lahaa xeerkaasi.

((Mudada tababarku inoo socdo waxaa la inooga fadhiyaa inuu wax badan isaga bayaaminayo arintaasi)) ayuu yidhi wasiirka cadaaladda iyo garsoorka Somaliland oo la hadlayey ka soo qayb galayaasha kulankaasi .

Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka Maxamed Muuse galaydh ayaa isna tilmaamay in mudada aqoon isweydaarsigani socdo dib u eegis lagu samaynayo caruurta sharciga khilaafta iyo ilaalinta xuquuqooda, waxuuna xusay in meesha ay wax walba ka soo bilaabmayaan ay tahay Ciidanka amniga, oo baadhis iyo xaqiijinba gacantooda ku haya dembiyada maalinlaha ah .

Agaasimaha guud waxa uu sheegay in waxyaabaha natiijada ah ee ka soo baxa kulanlan loo baahan yahay inaynu dhamaanteen fulino kulana dhaqano caruurta gaysan karta dembiyada ee sharciga la horgaynayo.

Ciise Axmed Nuur oo ah sarkaal ka socda hay’adda UNICEF ayaa isna kulankaasi ka xaqiijiyey sida hay’ad ahaan uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda caruurta iyo sida ay u adkaynayaan inuu dhaqan galo xeerka nidaamka garsoorka caruurta ee Somaliland.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com