Qahira May 06,2012(SDN)-Golaha sare ee Milateriga dalka Masar ayaa amar ku bixiyey in la xidho saddex boqol oo qof oo lagu tuhun-san yahay inay ka qayb ahaayeen Rab-shadii ka dhacday Garoonka Cabaasiya ee magaalada Qaahira.
Golaha milaterigu waxa uu amray in dadkaasi la xidhay muddo toban maalmood ah xabsiga ay ku jiraan ,mudadaasina baadhis lagu sameeyo eedaymaha loo haysto.wakaaladda wararka ee france press ayaa sheegtay in golaha milaterigu uu qab-qabshada dadkan la xidhay bilaabay sabtidii shalay.
Waxa kale oo Golaha millaterigu uu amray in la sii daayo dhalin yaradii haweenka ahaa ee Rab-shadaasi garoonka cabaasiya ka dhacday lagu qabtay ,kuwaasi oo tiradoodu ay dhantahay shan iyo toban haween ah.
Miidaanka Cabaasiya oo ah halka ay ku taalo xarunta wasaarada gaashaan-dhiga dalka Masar iyo hay’ado kale oo muhiim ah,waxa ka dhacay iska hor imaad dhex-maray ciidanka Bilayska iyo milateriga oo dhinac ah iyo Boqolaal mudaharaadayaal ah oo halkaasi isugu soo baxay, iska hor imaadkaasina waxa ku dhintay laba qof oo mid uu yahay askari, waxaana ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale.
Ciidamada ayaa Mandaqadaasi midaanu cabaasiya waxa ay ku soo rogeen sabtidii bandoo lagu mamnuucay isu socodka. Iyada oo mudaharaadayaasha halkaasi isugu soo baxay lagu eedaynayo in ay khal-khal geliyeen amniga guud .
Dhinaca kalena ilaa kow iyo toban ururada siyaasada ah ayaa iyana waxay isugu soo baxeen banana bax ay ku codsanayaan in la sii daayo dadkii lagu xidh-xidhay dhacdadii Midaanka cabaasiya ,maxkamad-na la hor-geeyo cidii masuulka ahayd dadkii dhintay rabshadaasi ka dhacday Cabaasiya.
SDN-Qahira
