New York May 06,2012(SDN)-Jaaliyadda Somaliyed ee Waqooyiga Ameerika waxey aad iyo aad uga soo horjeedaa una Cambaareyneysaa fal Argagaxiso iyo Isku day dil oo lagu sameeyey SULDAAN FAQI SACID FAQI SULDAANKA BEESHA TUNNI SHAN GAMAAS IYO SHAN TOORE looguna geystey Qolkii uu ka deganaa Dugsiga Tababarka Boliiska Muqdisho halkaas oo ay dejisey UNPOS iyo Dawladda Somalia.
Waxaa Suldaanka Qolkiisa ugu gashey Haweeneey la yiraahdo LUULEEY oo ka mid ah Xildhibaanada Digil & Mirifle uga jira Baarlamaanka KMG ee waqtigiisa dhamaanaaya bisha Agosto 2012 iyadoo wadata Ciidan Boliis ah oo hubeysan , kuwaaso qori caaraddiisa uga soo saarey Suldaanka Qolkii uu jiifey, jir dilna ku sameeyey Dhaqankaas sida sharciha ah loo dejiyey madashaas uuna ku mathalaayey Beeshiisa.
Haddaba Somalida Qurbajoogta Waqooyiga Ameerika waxey si toos ah Baaqaan cambaareynta ugu direysaa Beesha Caalamka , Qaramada Midoobey, Dawladda Somalia, Wadamada Daneeya arrimaha Somalia, Duubabka Somaliyed iyo inta ku abtirsata Nabadda , cadaaladda iyo dhaqankii suubanaa ee soo jireenka u ahaa Somalia.
Arrintaan foosha xun oo leh argagaxa iyo fal dembiyeedka cad waxaa mas’uul toos ah uga noqon doona Taliyaha Ciidanka loo xilsaarey sugidda amaanka Madasha ay beesha caalamka dejisey Dhaqanaka Somaliyed, haddii ay taasii dhacdeyna waxaan shakki ku jirin iney khatariyo halis ay ku jiraan dhaqanka halkaas lagu soo xareeyey oo aan haba yaraatee lagu aamini karin Ciidan Somaliyed iney sugaan amaanka dhaqanka mar haddii Madaxdii Ciidamada ay si toos ah u fara gashteen arrimaha Siyaasadda gurracan ee ka socotey Somalia laga soo bilaabo 1990kii , lana rabo hadda in wax laga qabto.
Somalida Qurba joogta ee Ameerikada Waqooyi iyo Qaaradaha kale waxey codsanayaan in baaris deg deg ah oo dhab ah lagu sameeyo arrintaan, lana hor-keeno cadaaladda ciddi yeelato mas’uuliyadda falkaan islamarkaasna Nabad Sugidda Madashaas laga wareejiyo Boliiska loona wareejiyo AMISOM maxaa yeeley waxaa caddaatey in Boliiska uu ku jiro Siyaasad amarna ka qaataan Xildhibaano doonaayo iney ku soo noqdaan Baarlamaanka dambe oo keesanaaya Dhaqan Bug ah.
Ummadda Somaliyed waxaan ku wargelineynaa iney Isha ku haayaan waxa ka socda Madasha Shirka iyo isku dayada ay sameynaan Madaxda TFGda iyo Ciidamada amaanka si ay u afduubtaan Geedi socodka Shirkaan , una soo noqdaan iyagoo u adeegsanaaya awood ciidan, lacag laaluush ah iyo musuq maasuq nooc kasta uu ahaadoba.
MAHADSANIDIIN
Dr Sheikh Cumar
Guddoomoiyaha Jaaliyadda Ameerikada Waqooyi
ISKU DAY DIL LAGU SAMEEYEY SULDAAN FAQI SACID FAQI, SULDAANKA TUNNI
