Uncategorized

Gollaha Ciidamada ka Taliya Masar oo gudhaya dad Qaswadeyaal ah

Qahira May 06,2012(SDN)-Golaha sare ee Milateriga  dalka Masar ayaa amar ku bixiyey  in  la xidho saddex boqol oo qof   oo lagu  tuhun-san yahay inay ka qayb ahaayeen Rab-shadii  ka dhacday  Garoonka  Cabaasiya ee magaalada Qaahira.

Golaha milaterigu waxa uu amray in  dadkaasi  la xidhay muddo toban maalmood ah  xabsiga ay ku jiraan ,mudadaasina baadhis lagu sameeyo eedaymaha loo haysto.wakaaladda wararka  ee france press ayaa sheegtay in golaha milaterigu uu qab-qabshada dadkan la xidhay bilaabay sabtidii  shalay.

Waxa kale oo Golaha millaterigu uu amray in  la sii daayo  dhalin yaradii haweenka ahaa ee Rab-shadaasi garoonka cabaasiya ka dhacday lagu qabtay ,kuwaasi oo tiradoodu ay dhantahay  shan iyo toban  haween ah.

Miidaanka Cabaasiya oo ah halka ay ku taalo xarunta wasaarada gaashaan-dhiga dalka Masar  iyo hay’ado kale oo muhiim ah,waxa ka dhacay  iska  hor imaad dhex-maray ciidanka Bilayska iyo milateriga oo dhinac ah iyo Boqolaal  mudaharaadayaal ah oo halkaasi isugu soo baxay, iska hor imaadkaasina waxa  ku dhintay laba qof  oo mid uu yahay askari, waxaana ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale.

Ciidamada ayaa  Mandaqadaasi midaanu cabaasiya waxa ay ku soo rogeen sabtidii  bandoo lagu mamnuucay isu socodka. Iyada oo mudaharaadayaasha halkaasi isugu soo baxay lagu eedaynayo in ay khal-khal geliyeen amniga guud  .

Dhinaca kalena  ilaa kow iyo toban ururada siyaasada ah ayaa iyana  waxay isugu soo baxeen banana bax ay ku codsanayaan in la sii daayo dadkii lagu xidh-xidhay dhacdadii Midaanka cabaasiya ,maxkamad-na la  hor-geeyo cidii masuulka ahayd dadkii dhintay  rabshadaasi ka dhacday Cabaasiya.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com