Hargeysa May 07,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland ayaa wareegto uu soo saaray ku magacabay tiro Safiiro uu ka mid ahaa Maxamuud Cabulaahi Jaamac Sifir.
Xukuumada ayaa si indho sarcaad ahaan ugu magacaabay tiro safiiro ah oo ujeedada dhabta ah ee la isku raaciyay ay aheyd si indhaha looga duwo magacaabida Sifir.
Sifir ayaa markiisii hore ka mid ahaa xubnaha sare ee xisbiga Kulmiye balse mar danbe uga diga rogtay siyaasada Soomaaliya oo uu raiisul Wasaarena ka noqdey dawladii Marxuum Cabdulahi Yusuf.
Sifir ayaa Somaliland dib ugu soo noqday Somaliland si kedis ah ka dib doorashadii madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Xanta Mudanahan ayaa waxa ka mida in uu mudaba Soomaaliya ugu maqnaa qorsheyaal haatan soo ifbaxaya oo khatartooda leh.
Qorsheyaashaa oo ay ka mid yihiin dib isugu milinka Soomaaliya iyo Somaliland.
Sideey donto ha ahaatee u magaacaabida Sifir ee dalka Kiinya waxa la iska weydiin karaa dhawr arimood.
Balse ta ugu muhiimsanise waxa ay tahay sababta ruuxan meeqaamka sare ka gaadhay siyaasada uu haatan u qaatay xilkan safiirnimo ee dal aan la aqoonsan?.
Sida lala socdo Kiinya waa xarunta looga arrimiyo siyaasada Soomaalida,waana goob si gaadha loogu kariyo kolba mashaariicda la damacsan yahay in la hirgeliyo.
Waxa laga dheregsan yahay shekiyada laga muujinayo ujjeedooyinka dhabta ah ee xukuumada Somaliland ka damacsan tahay wadahadalada ay Soomaaliya la geleyso.
Waxaana hubaal in tilaabadan Sifir loogu magacaabay safiirka Nairobi ay ku biirineyso shekigaa.
SDN-Hargeysa
