Hargeysa May 07,2012(SDN)-Wasiirada Kaluumaysiga Ciyaarah iyo Wasiir Ku xigeenka waxbarashada ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad shahaado sharafyolagu gudoonsiinaayay Maamulka Jaamacada Hope,iyo Qaar ka mid ah Ardadii qaadatay Shahaadada Master Degree ee kambala University.
Xafladan oo ay soo agaasimeen Ardayda Jaamacada Hope,laguna qabtay Hutel Maansoor,ayaa waxaa halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada Md.Cali Xaamud Jibriil,oo Jaamacada Ku Bogaadiyay Dedaalka ay Muujiyeen Gaar ahaan qaybtii ka qalin jabisay Master Degree,ga oo uu ka mid ahaa Ardayga maanta shahaado sharafta qaadanaya,kaasoo ka helay Bilad dahab ah Jaamacada kambala,kana Mid ahaa Tobankii arday ee igu sareeyay Jaamacadaasi.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Ciyaaraha,Hidaha iyo Dhaqanka Cali Siciid Raygal,ayaa waxaa uu halkaas Mahad naq ugu soo jeediyay barafasoor Najiib oo ah Gudoomiyahay Jaamacada Hope,isagoo ku tilmaamay inuu yahay inuu yahay Qofkii suurta galiyay Guushan weyn ee dhanka Waxbarashada laga gaadhay sidoo wasiirku waxa uu intaasi ku daray inay Shacabkana ka Mudan yihiin amaan,Cid kasta oo dalka iyo Dadka wax ku soo kordhisa.
Ugu dambeyn waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda,C/laahi Jaamac Cismaan [Geel jire]oo halkaasi Habalyo u soo jeediyay Maamulka iyo Jaamacada Hope,wasiirku waxaa uu ku tilmaamay in Jaamacadu Gaadhay Guul weyn dhanka Waxbarashada ah.
SDN-Hargeysa
