Hargeysa May 07,2012(SDN)-Gudoomiyaha Hay’ada Dhawrista Tayada Somaliland Md.Siciid Saleebaan ayaa maanta Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida warbixin Buuxda Ka siiyay Hay’adiisa iyo Waxii u qabsoomay Mudadii ay Jirtay.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inaanay dalka soo gali doonanin Dawo aan wadan Cadaymihii Dawooyinka Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay inay dhamaan Garoonada Diyaaradaha ee dalka ay dhigeen shaqaale u tababaran sidii ay arintaasi wax ugu qaban lahaayeen.
Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland,Siciid Saleebaan ayaa Xusay in M/weynaha JSL,Md.Axmed Maxamed Maxamud ay u soo jeediyeen Codsi, ah sidii dalku u heli lahaa Shaybaadh Qaran,isla markaana ay ku Xuseen Baahida loo qabo Shaybaadhkan.
Gudoomiyuhu waxaa kale oo intaasi ku daray in sida kaliye ee shaybaadh qaran loo heli karo ay tahay iyadoo lala kaashado Ganacstada reer Somaliland,Xukuumada iyo Hay’adaha Shaqada ku leh.
Dhinaca kale,Gudoomiyaha Hay’ada Dhawrista Tayada Somaliland,Siciid Saleebaan waxaa uu uga digay Shirkadaha Shidaalka Keena in aan laga Ogalaan doonin inay dalka keenaan shidaal dambe oo aan warqada Cadaynta wadan.
Gebagebadii waxa Gudoomiyaha Hay’ada Dhawrista Tayada Somaliland,Siciid Saleebaan ay Mudanayaasha Gudida Joogtada ee Golaha Guurtida Su’aalo Kala duwan ku waydiiyeen Su’aalo la xidhiidha hawlaha Hay’adaasi.
SDN-Hargeysa
