Jabuti May 072012(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md.Ismacil Cumar Geele ayaa maanta ku Qaabilay Xarunta Madaxtooyada ee dalka Jabuuti,Wasiirada arimaha Dibada iyo Gudaha Jamhuurayada Somaliland Dr.Maxamed C/laahi,Iyo Md.Maxamed Nuur Caraale Duur,oo ku Jooga Socdaal Shaqo Dalkaas.
Waxa kulankaasi dhinaca Madaxweynaha jabuuti ku wehelinayay Wasiirka wasaarada arimaha Dibada ee dalka Jabuuti,iyo Masuuliyiin kale.
Kulankaasi dhex maray M/weynaha Jabuuti iyo Weftiga Somaliland ayaa waxa lagaga wada hadlay arimo Khuseeya Iskaashiga iyo Sii Xoojinta xidhiidhka labada dal.
Geesta kale,Kulankaasi ka dib wasiirka arimaha dibada ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirada Somaliland iyadoo ay ka wada hadleen,Xidhiidhka ganacsiga ee labada dal dhaxeeya,waxaana halkaasi si wada Jira qalinka ugu Duugeen Heshiis iskaashi oo dhinaca kaluunka ah.
Weftigan Somaliland ayaa Maalmihii u dambeeyay Safar shaqo ku joogay Dalkaasi Jabuuti.
SDN-Jabuti
