Garoowe May 11,2012(SDN)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Md Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa qoraal uu soo saaray ku dhaliilay Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya haatan loo sameynayo.
Madaxweyne Faroole oo Qoraalkiisan u diray QM,IGAD iyo Hayadaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dastuurka qabyada ahi uu ka soo horjeedo danaha Puntland.
Sida uu Faroole sheegay Dastuurku si toos ah uma cadeynayo kala la haanshaha kheyraadka dalka iyo wax uu ugu yeedhay Hanti la kala heysto.
Sidoo kale qoraalka Madaxweynaha Puntland waxa lagu xusay in aan dastuurka lagu cadeyn sida ay awoodaha masuuliyiintu u kala mudnaan doonaan.
Si kastaba ha ahaatee beesha caalmka ayaa hore ugu cago jugleysay in ilaabo ku haboon ay ka qaadi doonaan cidii ka hor timaada hanaanka Road-mapka loogu magac daray.
SDN-Garoowe
