Uncategorized

Waa maxay sababta Dhabta ah ee ay u Burbureen wadahadaldii Soomaaliya iyo Somaliland?

Muqdisho May 11,2012(SDN)-Wadahadaladii beesha caalamk ugu baaqday Soomaalida ee ay aheyd in ay dhex maraan Somaliland iyo Soomaaliya ayaa si kedis ah u joogsaday ka dib kolkii labada dhan ay soo bandhigeen guddidii uga qeyb geli leheyd wadahadalada.

Madaxda labada dhan oo ku kulmay London intii lagu guddo jidhay Shirkii February waxa ay isla qaateen goaamo dhawr ah oo xasaasi ahaa.

Madaxda Somaliland ee la kulmay Kuwa Soomaaliya ayaa ka dalbaday in mid ka mida wasiirada Soomaaliya oo ka soo jeeda Somaliland in xilkiisa lagu bedelo siyaasi ay markaa magaciisa u guddbiyeen.

Sida qurbejoog.com oo helay xog arrintan ku saabsan ayaa loo xaqiijiyay in madaxweyne Shariif ay arrintaa ku adkaatay fulinteeda ka dib kolkii ay raaiisul wasaare Gaas iyo madax dhaqamdeed kale is hor taageen.

Madaxweyne Shariif ayaa hab Dastuurka dalka baal marsan xil wasiirnimo oo xaal mastuur ah u magacaabay xubuntii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u guddbiyay.

Balse taa laguma qancin,waxaaney keentay in la isku afgaran waayo in la sii anba qaado wadahadalada.

Dawlada Somaliland ayaa si afgobaadsi ah u sheegtay in aaney ogoleyn in Shariifku magacaabo laba xubnood oo ka soo jeeda Puntland.

Sida ilo wareedyadu noo xaqiijiyeense xaajadu waxa ay aheyd uun in xilka laga tuuro wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Md Xuseen Carab Ciise,laguna bedelo ina Jirde.

Hadaba isweydiintu waxa ay tahay maxey tahay sababta uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu dhegen yahay xil ka qaadida wasiirka?

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com