Uncategorized

Qaramada Midoobey oo Qeylo dhaan ka soo saaray Xaalada Soomaaliya

New York May 13,2012(SDN)-Sarkaal sare oo u hadlay QM ayaa sheegay in loo baahan yahay in beesha caalamku la timaado qorshe waadixa oo gargaar lagula gaadho Soomaalida si aan dib loogu noqon Abaarihii sanadkii hore dalka ku Dhuftay.

“Xaalad abaar iminka kama jirto Soomaaliya,ka dib dedaalo dheeri ah oo beesha caalamku sameeyeen,balse waxa loo baahan yahan in la gacan qabto 2.5 million Soomaali ah oo weli xaaladoodu khatar ku sugan tahay.”ayay tidhi kaaliyaha xoghayaha arrimaha biniaadam Catherine Bragg.

Haweeneydan oo booqaneysa dalalka Soomaaliya iyo Kiinya ayaa hadalkan jeedisay.

Soomaaliya ayaa sanadkan waxa soo goay dalag ka wanaagsan kuwii hore,balse weli waxa  muuqda xaalado abaareed.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com