Uncategorized

CADAALADA AAN KU SOO ARKEY MAAMULKA LACAGTA EE CIIDANKA ASLUUBTA

Hargeysa July 15,2012(SDN)-Salaan ka dib, waxaan ku jiraa maalmo safar gaaban ah oo aan ku joogo caasimada Hargeisa, Sida u caadiga ah qofka safarka ah waxaa iska kooban inaan wax badan ka ogaado wax kasta oo dalka ka jira.

Hadii si fudud loo ogaan karo qiimaha badeecadaha, noocyada gawaadhida la wato, heerka nololeed ee dadka iwm, waxaa geesta kale adag inaad ogaato xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta meelaha maamulka dawlada lagu hayo sida wasaaradaha, haydaha cadaalada, kastamada iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee dawladi ku shaqo leedahey. Keliya waxaad waxa meelaha ka warkeeni kartaa marka arin adiga si dhaba kuu khuseysa ay kaa gasho, hadii kale warka aad heshaa wuxuu noqonaya ku tidhi ku teen.

Khadra Mohamed waa walaashey oo indha la`kuna nool magaalada Hargeisa ubkeeduna waa hal wiil oo agoona, Saygeedii oo Ilaahey hu naxariistee ka tirsnaa Ciidanka Asluubtu wuxuu ku dhintey sanadkii 1998kii dil ka yimid askari kale oo ka tirsanaa ciidanka Asluubta ee Somaliland.

Khadra iyo wiilkeedii ka mid noqdeen agoon ama dad kale oo lacag kaalmo ah ka qaata Ciidanka Asluubta SL. Bishan bilowgeedii ayaa dad badan oo Walaashey ka mid tahey lacagtii si kadisa looga joojiyey, taasi oo sida markii danbe la ii sheegay sabab looga dhigey in la kala saaro dadka runta ah ee lacagtan xaqa u leh iyo kuwa sida musuqa ama beenta ah lacagta ku qaata.(Waxaa loo yaqaana dadka dawlada mushahaarooyinka beenta ah ka qaata CAAGLEYAAL)

Si aan caawiyo ama aan ugu doodo maadama ay indha ladahey waxaan walaashey u raacey xerada Ciidanka Asluubta, waxaanan goobtii kula kulmey dad badan oo iyaga laftdoodu ka cabanayey in lacagtii ay qaadan jireen laga jarey. Runtii shaki badan ayaa igaga jirey inaan arki doono in si cadaalada loo qanciyo walaashey iyo dadkaa kaleba anigoo ka shakisanaa in cida arintu khusaysa ay waji garasho, laaluush iyo qof jeclaysi arinta ku suureyn doonaan.

Ragii meesha maamulayey qaar ka mida oo uu ka mid yahey nin aan filayo in la iigu sheegay inuu yahey agaasimaha guud ee maamulka lacagta Ciidanka asuulbta (CA) ayaan la hadley, waxaanu si ay ka muuqato edab iyo deganaan badani iigu sheegay in arintaa gudi loo saarey,markey saacadu tahey 11:00 A:M ay qolkan soo fadhiisanayaan.

Weli anigoo shakisan ayaan arkey nin gashan direys tuuta oo ka duwan ka askarta badankoodu xidhnaayen oo markaa ka degayey gaadhi sheegaya in ninkaa odeyga ahii uu yahey raga meesha ugu sareeya. Xagiisii ayaan u dhaqaaqey, waxaanu galey xafiiskiisii intii aan sii socdey ayuu nin ila socdey ii sheegay inuu yahey T/ku xigeenkii CA. Xafiiskii ayaan ka daba galey, arintiina si toosa ayaau sheegay. Isagoo si masuuliyadi ka muuqato iila hadlaya ayuu ii sheegay intii masuulkii hore ii sheegay.

Gudidii fadhiisatey oo xafiiskii soo gashey. Lakiin tolow sidey ku ogaanayaan qofka runta sheegaya iyo ka beenta sheegaya? ma markhaatiyaal dadka yaqaana ayey soo kaxeysteen ?, mise dadka hore loogu sheeegay iney markhaatiyaal garanaya soo kaxeystaan ?. Oo aniga walaashey markhaatiyaal ma wadato cid badan oo garaneysana ma jirto sidee arinku yahey? Suaalaha ayaa markiiba maskaxdeyda ka ugaamey.

Maya arintu sidii may noqon waxaaba gudida hor yaala oo miiska saaran Kitaabka Quraanka Kariimka ah, qofkii gacanta ku saara inuu yahey qofkii runta ahaa ayuunbaa lacagtiisii loo Ok gareyn!!!!. Markii walaashey la soo gaadhey ee magacii odeygeedii dhintey(ARR) la xaadiriyey ayaa la igu yidhi “Madigaa ku dhaaranaya iney tahey Xaaskii marxuunka dhintey” Haa intaan idhi ayaan kitaabkii Allena gacanta saarey, sidaas ayaana gunadii la siin jirey loogu ogalaadey.

May jirin eex, qof jeclaysi, kala sareyn weji garasho iyo cadaalad daro dadkaa lagu kala saarey. Waxa keliya oo lagu kala hufey si xaqa oo cadaalaadi bud dhig u tahey.

Gegagebadii waxaan amaan balaadhan u jeedanaya dhamaan Ciidanka Asluubta gaar ahaan qeybta maaliyada waxaanan kula talinaya cid kasta oo hanti umadeed haysa iney ka dulaan cadaalad iyo tuugada oo lala dagaalamo

Ilaahayow umadeena ku dhig kuwo jecel cadaalada iyo runta necebna beenta, cadalaad darada iyo tuugada Aaaaaaaaaaaaaaaaamiin

Alla mahad leh

O.O.Dool

Hargeisa Somaliland.