Hobyo Sept 06,2012(SDN)-Ciidamada badda ee dalalka reer Yurub ee ku sugan baddaha Soomaalida ayaa kolkii u horeysay weerar beriga ah ku qaaday Burcad badeed degaano xeebta ku sugan.
Sida lagu sheegay barta Internetka ee hawlgalada reer Yurub ee Atlanta ayaa lagu shaaciyay in ciidamadu ay weerareen degaanka Hobyo xarun ay burcadu ku leedahay.
“Waaxu qabnaa in tilaabadani ay hakin doonto kalana daadin doonto weeraro ka dhan ah maraakiibta ganacsi iyo kuwa kaluumeysato ee mara baddaha Soomaaliya”sidaana waxa yiri taliyaha ciidamada ee reeYurub Rear Admiral Duncan Potts.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in aaney ciidamada reer Yurub cago dhigan xeebaha Soomaaliya balse ay cirka ka weerareen xarunta Burcada ee beriga.
Hawlgalada ka dhanka ah Burcada Soomaalida ayaa bilihii u danbeeyay dabarka ku dhuujiyay ugaadhsigii ka qeyli siiyay caalamka ee ay ka wadeen baddaha ku teedsan geeska Africa.
SDN-Hobyo
contact@somalidiasporanews.com
