Uncategorized

Mahiga oo Xildhibaanada ku booriyay cida ay tahay in ay doortaan kana hadlay nooca dawlada soo socotaa ay noqoneyso

Nairobi Sept 07,2012(SDN)-Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa qoraal uu u gudbiyay xildhibaanada cusub ee dhawaanta la doortay waxa uu uga hadlay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo nooca dawlada cusub ee Soomaaliya.

Augustine Mahiga ayaa waxa uu ka warbixiyay dhibaatadii soo jireenka aheyd ee dalku soo maray iyo sida haatan loo joogo xili kala guur ah.

“Ka dib labaatan sanadood oo dagaal sokeeye,dal burburay iyo sharaf dhac badan oo soo maray ummadda hanka weyn ee Soomaaliyeed,waxa haatan la joogaa xili saacado uun ay naga xigaan ka guddubka nidaamkii kala guurka iyo u guddubka wejiga isbedelka siyaasada iyo Dhaqaalaha”ayaa lagu yiri qoraalka Mahiga.

Hadalka Mahiiga waxa ka maqnaa sheegidii hore ee aheyd in dalka loo sameynayo dawlad dhab ah oo dalka ka dhalata.

Sidoo kale waxa sida muuqata meesha ka baxay in dalka uu gelayo doorasho shicibku ku soo xulan lahaa hogaan dhaba oo danahooda ka turjuma.

Mahiga ayaase xildhibaanada aan cidi soo dooran ee la soo xulay ka dalbaday in ay doortaan shaqsi “Daacadadalkana ku hogaamin kara afkaar afarta sano ee soo socota ku hawl gala nabadeyn iyo isbedel”ayuu yiri Mahiga.

Hadalkan ayaa u muuqda mid ka turjumaya in dawlada soo socota ay noqondoonto mid ku kooban nabadeyn iyo isbedel dalka ka hir gala afarta sano ee loo igmado.

Kol hadii qodobadaa la hadal hayona waxa ay u muuqataa in dawlada soo socotaa qudheedu noqon doonto mid KMG ah.

Bishan aynu ku jirno 10keeda ayaa lagu wadaa in Muqdisho lagu doorto madaxweynaha cusub ee dalku yeelan doono mudada afarta sano ah ee inagu soo fool leh.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com